Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee uu ka tegay markii uu ku fashilmay inuu isku muujiyo Chelsea oo uu waqti adag kusoo qaatay, waxaana hadda uu qarka u saaran yahay kooxda reer London ee Tottenham Hotspur.
Timo Werner ayaa waxa uu ogolaaday in uu heshiis amaah ah ku tago Tottenham, haddana waxa ay wada-hadallo u socdaan Spurs iyo RB Leipzig oo ka wada xaajoonaya heshiiska ay kula kala wareegayaan laacibkan.
Wariyaha telefishanka Sky Sports ee Florian Plettenburg ayaa sheegay, in heshiisku uu gabogabo yahay oo ay dhinacyadu kusii dhowaanayaan in ay ku dhawaaqaan heshiiska oo dhigaya in Timo Werner uu muddo lix bilodo ah amaah ugu ciyaaro Tottenham.
Wariyaha ayaa intaa ku daray, in heshiiska lagu darayo qodob dhigaya, in Tottenham ay si rasmi ah ula saxeexan karto Timo Werner marka ay dhamaadaan lixda bilood ee amaahda ah.
Timo Werner ayaa hore ugu soo ciyaaray Chelsea laba sannadood oo ahaa 2020 illaa 2022 iyaga oo £47 milyan oo Gini kaa soo iibsaday RB Leipzig oo xilli-ciyaareedkii 2019-20 uu u dhaliyey 28 gool 34 ciyaarood oo uu u saftay, laakiin laacibkan ayaa awoodi waayey in uu saldhigto Stamford Bridge.
89 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Chelsea ayuu u dhaliyey 23 gool iyo 21 kale oo uu caawiyey, ka hor intii aanu dib ugu laabanin kooxdiisii hore ee RB Leizpig.