Weeraryahanka West Ham Michail Antonio ayaa shil baabuur galay, sida ay kooxdiisu xaqiijisay goordhaw.
War qoraal ah oo ay West Ham soo saartay goordhaw ayaa lagu yiri: “West Ham United waxa ay xaqiijineysaa in weeraryahan Michail Antonio uu ku lug yeeshay shil baabuur.
“Qof kasta oo kooxda katirsan wuxuu xaalada la qeybsanayaa Michail, qoyskiisa iyo asxaabtiisa.
“Kooxdu waxay soo saari doontaa warar cusub oo la xiriira faahfaahinta shilka uu galay weeraryahanka.
Antonio, oo 34 jir ah, ayaa saftay 15 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana ku jira 11 kulan oo uu ku soo bilowday Premier League.
Waxa uu ka soo muuqday kulankii ay West Ham guuldarada 3-1 kala kulantay Leicester isbuucii hore, isagoo bedel ku soo galay qeybtii labaad.
West Ham ayaa kulanka soo socda la ciyaareysa kooxda Wolves isniinta.