Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey waqtiga la ciyaarayo finalka tartanka FA Cup ee Manchester United iyo Manchester City oo garoonka Wembley ku kala calaf-qaadi doona.
Labada kooxood ee isku magaalada ah ayaa iskugu soo hadhay tartankan markii ay kasoo kala badiyeen Chelsea iyo Coventry City, waxaana ay hawl weyn u taallaa Manchester United oo waajahaysa kooxda koobka difaacanaysa.
Xidhiidhka FA ayaa hore u shaaciyey in ciyaartan la dheeli doono May 25, balse waxa qarsoonaa oo aan hore loo ogeyn saacadda oo hadda lagu dhawaaqay kaddib markii ay kulamo yeesheen xidhiidhka FA, booliska Ingiriiska iyo telefishannada baahin doona ciyaartan ee iska leh xuquuqda tabinta.
Ciyaartan ayaa bilaabmi doonta marka ay saacadda UK tahay 3pm oo Saacadda Geeska Afrika noqon doonta 5pm, waxaana laba saacadood iyo dheeraad laga soo qaddimay waqtigii la ciyaaray sannadkii hore oo ahaa 7:15pm waqtiga Geeska Afrika.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in booliska Metropolitan Police uu u sheegay xidhiidhka FA in aanay doonayn in ciyaartan la dheelo waqti ka dambeeya xilliga hadda la shaaciyey sababtoo ah saxmadda ay abuuri doonaan taageereyaasha tegi doona garoonka Wembley Stadium.