FIFA ayaa ku dhawaaqday tababarihii ugu fiicnaa sannadkii dhamaaday ee 2023, kaas oo ku guuleystay abaal-marinta The Best ee macallinka sannadka.
Saddexda tababare Simone Inzhagi oo Inter Milan ah, Luciano Spalletti oo wattay Napoli iyo Pep Guardiola ayaa iskugu soo hadhay saddexda tababare ee u sharraxnaa abaal-marintan, waxaana ku guuleystay Pep Guardiola oo ay kooxdiisu ku wada-guuleysatay Champions League, Premier League iyo FA Cup.
Macallinka hore ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa isaga oo adeegsanaya xiddigaha waaweyn ee naadigiisa ee Kevin De Bruyne iyo Erling Haaland waxa ay sameeyeen rikoodh taariikhi ah oo ay ku barbarreeyeen Manchester United oo hore u ahayd kooxda kaliya ee Premier League ee saddexlayda koobabka ah ku wada guuleysata.
Pep Guardiola oo sannadihii 2019, 2021 iyo 2022 ugu guuleystay kaalinta labaad ayay u tahay markii ugu horreysay ee ay ku guuleystaan abaal-marintan.
Sannadihii 2019 iyo 2020 waxa abaal-marintan si xidhiidh ahaa ugu guuleystay Jurgen Klopp, waxaana kasii horreeyey Zinedine Zidane, Didier Deschamps, Claudio Ranieri iyo Thomas Tuchel.