Saddex ka mid ah carruurta uu dhalay weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ku dhaawacmay shil ay isku dhaceen dhawr baabuur oo gudaha waddanka Germany ka dhacay, kaas oo yimid xilli uu laacibkani isku diyaarinayo ciyaarta Arsenal ee semi-finalka tartanka Champions League.
Shilkan oo argagax ku abuuray xiddiga reer England ayaa dhaawacyo fudud ay kasoo gaadheen carruurta Harry Kane, sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay.
Meel u dhow degmada Munich ee isla magaalada Munich ayaa ayey isku dhaceen tiro baabuur ah abbaaro 5.15pm waqtiga UK maalintii Isniintii, waxaana shilkaasi uu yimid waxyar ka hor ciyaartii ay Bayern Munich martida u noqotay Arsenal.
Harry Kane ayaa ka war hayay in carruurtiisa ay soo gaadheen dhaawacyo laakiin ma ahayn kuwo halis ah sidaas daraadeedna waxa uu go’aansaday in uu kooxdiisa u dheelo oo aanu dib ugu laabanin waddanka Germany.
Wargeyska Bild ayaa qoray in darwal ay da’diisu tahay 20 jir oo waday baabuur Mercedes Vito ah oo isku dayey inuu ka gudbo waddada ay isku dhaceen baabuur kale, kaddibna ay kusii dhaceen dhawr baabuur oo kale.
Carruurta Harry Kane oo kala ah Louis oo saddex jir ah, Vivienne oo shan jir ah iyo Ivy oo toddoba jir ah ayaa waxa ay saarnaayeen baabuurka madow ee Mercedes-ka ah, waxaana loola cararay cusbitaalka oo hubiyey taam ahaanshahooda, iyadoo halkaas lagu geeyey baabuur ambalaas ah oo loogu yeedhy.
Xaaska Harry Kane oo lagu magacaabo Katie iyo ilmahooda ugu yar ee Henry oo toddoba bilood jira ayaa la soconin baabuurka shilka galay.