Ruud van Nistelrooy ayaan ka mid noqon doonin shaqaalaha tababarka ee Ruben Amorim wuxuuna ka tagayaa Manchester United ka dib markii uu afar kulan u qabtay xilka tababarenimo ee ku meel gaarka ahaa.
Halyeeyga reer Holland ayaa shaqada Old Trafford la wareegay ka dib markii Erik ten Hag laga ceyriyay shaqada.
Afar kulan oo uu kooxda hogaamiyay seddex guul iyo hal barbaro ayuu keenay Van Nistelrooy.
Ruben Amorim ayaa loo magacaabay bedelka Ten Hag horaantii bishaan wuxuuna maanta si tasmi ah ula wareegay shaqada Man Utd.
Si kastaba ha ahaatee, Van Nistelrooy ayaan lagu darin shaqaalaha tababarka ee 39 jirka shaqada kooxda la wareegay, iyadoo United ay shaaca ka qaaday inuu haatan ka tagi doono doorkiisa kooxda.
War qoraal ah oo kasoo baxay goordhaw kooxda ayaa lagu yiri: “Manchester United waxa ay xaqiijineysaa in Ruud van Nistelrooy uu ka tagay kooxda, Ruud waxa uu ku soo biiray kooxda xagaagii, waxana uu kooxda la wareegay afartii kulan ee la soo dhaafay isaga oo ah tababare ku meel gaar ah.