Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxeex cusub oo muddo dheer ah iyadoo xaqiijisatay xiddig mustaqbalkiisa u hibeeyey Santiago Bernabeu oo ku sugnaan doona illaa sannadka 2028.
Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay, waxay kusoo ladhay sawirrada difaaca reer Brazil ee Eder Militao ee dhaawaca u jiifa oo u saxeexaya heshiis cusub oo shan sannadood ah oo Bernabeu ku haynaya illaa June 30, 2028, markaas oo ay da’diisu noqon doonto 30 jir.
25 jirkan ayaa raacay raadka xiddigaha mustaqbalka ay Real Madrid u urursatay ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Fede Valverde iyo Camavinga oo dhamaantood ay Los Blancos ka saxeexday heshiisyo waqti dheer ah.
Qandaraaskii hore ee Eder Militao ayaa soconayay illaa sannadka 2025, waxaana lagu kordhiyey saddex sannadood oo dheeraad ah iyadoo sare loogu qaaday mushaharkiisii hore oo sannadkii uu ku helayay inta u dhaxaysa afar illaa shan milyan oo Gini oo ay la socdaan gunnooyin, balse waxa hadda uu u xaadiri doonaa lix milyan oo Euro sannadkii.
Heshiiska cusub ee Eder Militao ayaa lagu daray qodob dabar ah oo dhigaya, in lagu burburin karayo 1 bilyan oo Euro, waxaana Real Madrid ay sidoo kale shaacinaysaa heshiiska cusub ee goolhaye Thibaut Courtois oo ah illaa sannadka 2026.
Sannadkii 2019 ayay Real Madrid 50 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Eder Militao kooxda rer Portugal ee FC Porto, waxaana bilowgii hore ku adkaatay inuu la qabsado Los Blancos iyadoo ay booska ka haysteen Sergio Ramos iyo Raphael Varane oo waqtigaas lama-taabtaan u ahaa Zinedine Zidane oo ahaa tababaraha Real Madrid.
Qaladaad badan oo uu sameeyey ayaa bilowgii hore keenay in lacagta ay Real Madrid kasoo bixisay lagu tilmaamo khasaare, laakiin bandhiggii uu ka sameeyey ciyaartii Liverpool ee xilli-ciyaareedkii 2020-21 ee Champions League ee labadii lugood ee Anfield iyo Valdebebas ayaa ka dhigay ciyaartoy kasbaday quluubta taageereyaasha, waxaana waqtigaas la iska garab ciyaarsiiyey Nacho.
Xawaaraha orodkiisa ee dhereeya, in uu ku fiican yahay kubbadaha madaxa iyo deggenaan marka uu kubadda hayo ayaa ka dhigtay ciyaartoy saldhigay Los Blancos oo ay Real Madrid ka saxeexo heshiis cusub oo ka dhigan in uu sagaal sannadood ka ciyaarayo Madrid haddii uu dhamaysto waqtigaas.
143 ciyaarood ayuu Eder Militao u saftay Real Madrid, kuwaas oo 97 ka mid ah ay ahaayeen horyaalka LaLiga, halka 30 ciyaaroodna ay ahaayeen tartanka Champions League, 11 tartanka Copa del Rey ah, 4 Spanish Super Cup iyo hal European Super Cup ah. Waxa kale oo uu ciyaaray tartanka Club World Cup.
Intii uu joogay Bernabeu, waxa ay Real Madrid ku guuleysatay laba horyaal oo LaLiga ah, Champions League, Copa del Rey, Spanish Super Cup, European Super Cup iyo Club World Cup.
C/kariim Umar