Kooxaha kubadda Real Madrid iyo Manchester United ayaa ku dagaallamaya saxeexa xiddig wacdaro ka dhigaya qaaradda Yurub oo mid walba ay doonayso inay ku xoojiso safkeeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Real Madrid iyo Manchester United oo caan ku ah inay haystaan xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta, ayaa waxa sannadihii uu dambeeyey meeqaamkii lagu yaqaanay hoos ua soo dhacday Manchester United oo 11 sannadood aan ku guuleysanin horyaalka Premier League, halka ay xiddigihii waaweynaa ee ay soo jiidan jirtay meesha ka baxeen.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez iyo tababare Carlo Ancelotti ayaa isla qaatay in kooxdooda ay kusoo kordhiyaan goolhaye tayadiisu sarrayso, maadaama aanay isku hallayn karaynin Thibaut Courtois oo xilli-ciyaareedkani uu u dhamaanayo isaga oo aan hal kulanna u ciyaarin oo sariirta jiifa.
Sidoo kale, Manchester United ayaa doonaysa inay hesho goolhaye ay la tartansiiso Andre Onana oo bilowgii hore ay ku adkaatay inuu saldhigo horyaalka Premier League isla markaana ay doonayaan goolhaye kale oo booska ka cidhiidhsada amaba ay tartansiiyaan.
Labadan kooxood ayaa waxa ay isku haystaan oo ay ku tartamayaan saxeexa goolhayaha kooxda horyaalka Faransiiska ee OGC Nice ee Marcin Bulk oo ay da’diisu tahay 24 jir.
Marcin Bulk ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Chelsea oo uu ka tegay sannadkii 2019 oo uu u wareegay Chelsea, taas oo amaaho uu bandhig fiican ku sameeyey ugu dirtay dhawr kooxood oo Faransiis ah ka hor intii aanu si rasmi ah uu wareegin Nice.
26 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah oo uu ugu soo bilowday kooxdiisa ayaan wax goolal ah laa dhalinin 14 ka mid ah, waxaana celceliska badbaadintiisu gaadhay 2.2 ciyaar walba taas oo ah arrinta soo jiidatay kooxaha waaweyn ee Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in goolhaye Bulk aanay u doonayn inuu noqdo goolhayahooda koowaad, balse waxa ay u doonayaan inuu noqdo dookha labaad oo uu ku xigo Thibaut Courtois haddii uu Andre Lunin diido inuu heshiis cusub saxeexo.