Horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey garsooraha ciyaarta adag ee Axadda ee Liverpool vs Manchester City, waxaana sidoo kale la ganaaxay garsoorihii hayey ciyaartii Liverpool ay guusha 1-0 ah kasoo gaadhay Nottingham Forest maalintii Sabtidii.
Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ee PGMOL ayaa liiska garsooreyaasha usbuucan ka saaray Paul Tierney oo lagu haysto hal qalad oo caawiyey Liverpool oo uu sameeyey ciyaartii Liverpool ay saddexda dhibcood kasoo qaadatay Nottingham Forest, taas oo daqiiqaddii ugu dambaysay uu goolka u dhaliyey Darwin Nunez oo beddel kusoo galay.
Ciyaarta sida weyn loo sugayo ee Liverpool iyo Manchester City ee garoonka Anfield, ayaa waxa loo doortay garsooraha uu neceb yahay Jurgen Klopp ee dhawrka jeer casaanka siiyey ee Michael Oliver, kaas oo ay caawin doonaan Stuart Burt iyo Dan Cook oo calanwadeyaal ah.
Garsooraha Afraad ayaa waxa loo magacaabay David Coote, halka masuuliyadda VAR ay saarnaan doonto Stuart Attwell iyo Nick Hopton.
Dhinaca kale, Paul Tierney ayaa gurigiisa ka daawan doona ciyaaraha usbuucan ee horyaalka Premier League oo laga ganaaxay, waxaana lagu haystaa qaladkii uu sameeyey ciyaartii Liverpool ay guusha 1-0 ah kasoo gaadhay Nottingham Forest oo ay ku booqatay garoonka City Ground.
Qaladka koowaad ayaa waxa uu garsoore Tierney sameeyey markii uu Ibrahima Konate dawakhay ee uu dhulka ku dhacay iyadoo Nottingham Forest soo tuuranaysa kubbad koorne ahayd, markaas oo ay isku dhaceen goolhaye Caoimhim Kelleher.
Iyadoo kubadda uu haysto Callum Hudgson-Odoi ayaa uu garsoore Tierney ciyaarta joojiyey, waxaana markii uu soo kacay Ibrahima Konate uu garsooruhu kubadda u dhiibay goolhaye Kelleher oo laagtay, halkii ay ahayd in kubaddaas la siiyo ciyaartoyda Nottingham Forest ee uu ka joojiyey iyaga oo haysta.
Ilbidhiqsiyo yar kaddib, waxa kubaddaas weerar geysay Liverpool oo waliba dhalisay goolka ay guushu ku raacday iyadoo xataa aanay hal daqiiqadood kasoo wareegin markii uu garsooruhu kubadda sida qaladka ah ku siiyey Liverpool.