Manchester City ayaa xaqiijisay in tababare Pep Guardiola uu heshiis cusub u saxiixay kooxda, islamarkaana uu sii joogi doono garoonka Etihad Stadium.
Guardiola ayaa ku dhawaaday lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa, taasoo dhalisay in cabsi laga muujiyo mustaqbalkiisa kooxda.
Sheekada bixistiisa waxaa sii shiday bixitaankii agaasimihii isboortiga iyo saaxiibkii ugu dhawaa kooxda Txiki Begiristain.
Qaar badan oo taageerayaasha kooxda Man City kamid ah ayaa u qaatay in Guardiola uu raaci doono wadada saaxiibkiis, laakiin wareysi uu bixiyay ayuu si maldahan ugu sheegay inuu kordhinayo qandaraaskiisa.
Heshiiska afka ah ayaa la isku afgartay horaantii isbuucaan, City ayaana hadda xaqiijisay in Guardiola uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo labo sano ah.
Qandaraaska cusub ee Guardiola ayaa ka dhigi doona inuu in ka badan toban sano ka shaqeeyo naadiga Man City iyo kubadda cagta England.
Waxa uu hadda isku diyaarin doonaa inuu ka garab shaqeeyo agaasimaha ciyaaraha cusub ee kooxda Hugo Viana.
Agaasimihii hore ee Sporting CP ayaa si rasmi ah u bilaabi doona shaqad Man City kadib dhamaadka xilli ciyaareedka.