Pep Guardiola ayaa la gaaray heshiis kordhin kooxdiisa Man City, ilo wareedyo ayaa u sheegay goordhaw Football Insider.
Tababaraha reer Catalan ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo hal sano ah oo uu kusii joogayo Man City ilaa xagaaga 2026.
Ilo xog ogolaa ah ayaa sheegaya in heshiiska “99% la gaaray ka dib wadahadalo cusub oo ay yeesheen wakiilada tababaraha iyo maamulka City, iyada oo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhawaan qandaraaska cusub.
Mustaqbalka Guardiola ayaa ahaa mawduuc aad loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, laakiin waxa uu bishii hore ku adkaystay in aanu gaarin wali go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkiisa.
Taageerayaasha City ayaa haatan si cad u ogaan doona in 53 jirkaan uu sii joogi doono garoonka Etihad Stadium ilaa Hal xili ciyaareed oo dheeri ah.
Guardiola ayaa lala xiriirinayay xulalka England iyo Brazil ka dib markii uu daaha ka qaaday in ay macquul tahay inuu maamulo xulala caalamiga ah.