Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay in ugu yaraan muddo bil ah aanay heli doonin labada ciyaartoy ee xalay ka dhaawacmay ee Frenkie de Jong iyo Pedri, taas oo meesha ka saaraysa hungurigii kaga jiray inay horyaalka ku qabsan karaan Real Madrid oo siddeed dhibcood ka sarraysa.
Frenkie de Jong ayaa baabuur lagaga dhax-qaaday garoonka San Mames markii uu socon kari waayey daqiiqaddii 26aad, sidoo kalena waxa daqiiqaddii 44aad isaga oo ooyaya ka baxay isla garoonkan laacibka khadka dhexe ee Pedri.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay saaka soo saartay Barcelona ayaa lagu sheegay inta uu le’eg yahay dhaawacyada Frenkie de Jong iyo Pedri Gonzalez oo baadhitaanno lagu sameeyey, laakiin kooxdu ma aanay sheegin muddada ay garoomada ka maqnaan doonaan.
Frenkie de Jong ayaa uu dhaawaciisu yahay kuraanta lugta midig, waxaana uu wax ka noqday lafta iyo carjawda kuraanta oo markii ay lugtu ciirtay uu ku istaagay kuraanta oo u rogmatay, halka Pedri uu jilibka uu dhinaca bowdada xigta ah uu dhaawacu ka gaadhay.
Frenkie de Jong ayaa dhaawaciisu uu la mid yahay kii soo gaadhay September 23 ciyaartii Celta Vigo, taas oo keentay inuu muddo laba bilood ku dhow ka maqnaado garoomada.
Kubbad-sameeyaha reer Netherlands ayaa waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan muddo bil ah, halka Pedri uu isaguna jilibka u jiifi doono muddo aan ka yarayn bil, waxaase laga cabsi qabaa in muddada laacibkani ay ka dheeraan karto intaas.