Weeraryahanka xulka Argentina iyo Kooxda AS Roma Paulo Dybala ayaa gaaray go’aan lama filaan ah.
Paulo Dybala iyo Roma ayaa go’aansaday inay labaduba diidaan dalabka Al-Qadsiah, wuxuuna baaqi kusii ahaan doonaa Stadio Olimpico.
Ciyaaryahanka ayaa maanta garoonka tababarka ee Trigoria ku sagootiyay, taageerayaashii, saaxiibadii iyo shaqaalihii xerada, isagoo si weyn u sugayay inuusan soo laaban doonin.
Si kastaba ha ahaatee, caawa ilo badan oo ay ku jiraan Sky Sport Italia ayaa dhamaantood sheegaya in wada xaajoodka la joojiyay.
Waxa ay leeyihiin noocyo kala duwan oo ku saabsan cidda soo jiidatay, qaar ayaa sheegay in uu ahaa Dybala midka diiday mushaharka 75 milyan oo euro oo saddex sano ah oo ku qaadan laha, qaar kalena Roma ayee ku sheegen inaysan ku faraxsanayn in la siiyo kaliya 3-4 milyan oo euro oo lagu daray gunnooyinka xiddiga.
Wax kasta oo sabab u ah burburka, ciyaaryahanka iyo Roma labaduba waxay go’aansadeen inay jeclaan lahaayeen inay isku dayaan inay si wadajir ah u sii wadaan xilli ciyaareedkan.
Waxa uu haystay 12 milyan oo euro oo lagu burburin karay heshiiskiisa kaas oo dhacay 31 July, waxana uu heshiiskiisa haatan socdaa kaliya dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa jira dookh uu si toos ah ugu kordhin karo hal sano.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku dhawaaqay muuqaal uu soo dhigay Instagram-kiisa, isagoo wata fariin u dhigneyd: “Mahadsanid, Roma. Waxaan is arki doonaa Axadda.”