Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay war ka nixiyey taageereyaasheeda oo ah in muddo toddobaadyo ah oo aan cayinnayn uu garoomada ka maqnaan doono xiddigooda laf-dhabarta ah ee Trent Alexander-Arnold oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Arsenal ee tartanka FA Cup.
Trent Alexander-Arnold oo ka mid ahaa xiddigaha ugu wanaagsan Liverpool xilli-ciyaareedakn, ayaa waxa uu dhaawacu kasoo gaadhay jilibka dhamaadka kulankii Emirates Stadium ee Axaddii.
Pepijn Lijnders oo ah tababare ku-xigeenka Liverpool oo maanta la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta Fulham ee habeen dambe ee semi-finalka Carabao Cup ayaa sheegay in dhawr usbuuc uu Alexander-Arnold u jiifi doono dhaawac jilibka ah.
Lijnders ayaa yidhi: “Marka ugu horreysa, warar aan fiicnayn ayaa jira. Trent waxa uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka ciyaartii ugu dambaysay, waxa ku yimid woxoogaa dillaac jilibka ah, waxaanu u baahan doonaa waqti uu kusoo kabto.
“Waxa laga qaaday sawirro, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa toddobaadyo yar, waynuse eegi doonaa sida uu kusoo kabto.”
Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxa ay sheegaysaa, in ugu yaraan lix toddobaad uu ka maqnaan doono Trent Alexander-Arnold, taas oo ka dhigan in aanu ciyaari doonin kulamada Chelsea iyo Arsenal ee horyaalka Premier League, kuwaas oo ay sidoo kale ka maqan yihiin Mohamed Salah iyo Wataru Endo oo ku maqan tartamada AFCON iyo Asia Cup ee xulalkooda.
Liverpool ayaa la ciyaari doonta Fulham laba jeer oo is-xiga semi-finalka Carabao Cup, ka hor inta aanay martigelinin Chelsea oo ay horyaalka Premier League isku haleeli doonaan, sidoo kalena Arsenal iyo Bournemouth ayaa iyaguna ugu jira liiska, halka dhamaadka bishan ay waajihi doonaan Norwich ama Bristol Rovers wareegga afraad ee tartanka FA Cup.
Haddii uu afar usbuuc gudahood kusoo kabto, waxa uu Alexander-Arnold maqnaan doonaa lix ciyaarood, waxaase muddada uu maqan yahay booskiisa ka ciyaari doona Conor Bradley oo ah 20 jir kooxda da’yarta ah, maadaama Andy Robertson iyo Kostas Tsimikas oo difaaca bidix ka dhaawacan uu booskooda ka ciyaarayo Joe Gomez.