Trent Alexander-Arnold, daafaca midig ee kooxda Liverpool, ayaa lagu soo waramayaa inuu oggolaaday inuu ku biiro Real Madrid xagaagan, taasoo soo afjaraysa 20 sano oo uu ku sugnaa Anfield.
26-jirkan reer England ayaa la sheegay inuu heshiis shan sano ah la gaaray kooxda reer Spain, kaasoo uu toddobaadkii ku qaadan doono in ka badan £220,000.
Wadahadallada u dhexeeya Alexander-Arnold iyo Real Madrid ayaa la sheegay inay socdeen tan iyo bishii Janaayo, iyadoo Liverpool lagu wargeliyay horumarka.
Alexander-Arnold ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay guulihii Liverpool ee Premier League iyo Champions League intii uu tababare Jurgen Klopp hogaaminayay kooxda.
Isagoo uga tagaya Liverpool si bilaash ah marka qandaraaskiisu dhaco, tani waxay noqonaysaa dharbaaxo weyn oo ku dhacda taageerayaasha kooxda.
Alexander-Arnold ayaa rajeynaya inuu ka caawiyo Real Madrid dib u dhiska difaaca, isagoo dib ula midoobaya saaxiibkiisa xulka England, Jude Bellingham, oo horey ugu biiray kooxda reer Spain.
Arrintan ayaa waxey jab weyn ku tahay Arne slot oo wakhti badan geliyay ku sii heynta Arnold ee Anfield.
Mushaarka uu Arnold ka qaadan doono Real waxa uu 40,000 dheer yahay kan hadda uu Liverpool ka qaato.