Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa ku dhawaaqay go’aankii muddada laga sugayey ee caddaynayey mustaqbalkiisa, waxaana uu sidoo kale kala saaray isku-xidhnaanshaha bixitaanka Jurgen Klopp iyo go’aanka uu isagu qaadanayo.
Mohamed Salah oo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha horyaalka Sucuudiga oo dalabyo lacago badan xambaarsan ula diyaar ah, hase yeeshee Liverpool ayaa ku dedaalaysa inay ku qanciso inuu saxeexo heshiis cusub oo ugu yaraan sannad ama laba ah oo uu kusii joogayo Anfield.
Warar kala duwan ayaa muddooyinkii dambe kasoo baxayay mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, kuwaas oo u badinayey inuu ka tegi doono kooxda marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Garabkan weerarka ayaa ugu dambayntii hor yimid saxaafadda oo shaaciyey inuu ka tegi doono Liverpool, laakiin waxa uu diiday inuu caddeeyo waqtiga ay noqon doonto bixitaankiisu.
Mohamed Salah oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Maalin ayaan ka tegi doonaa Liverpool, laakiin go’aanka mustaqbalkaygu kuma xidhna tababaraha cusub.”
Salah oo ka hadlayay sidii uu ku ogaaday bixitaanka Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Shir ayaanu lahayn 10:30, waxaanan maqlay arrin aanan jeclaysanin. Markii aan soo galay waxa la joogay wakiilkiisa, waxaanan u maleeyey in Klopp uu cusboonaysiinayo qandaraaskiisa, laakiin Van Dijk ayaa waxyar kaddib ii shegay in uu tegayo… waxa aan weydiiyey, waayo?”