Real Madrid waxa ay goordhoweyd si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo muddo toddoba sannadood ah lala xidhiidhinayey, waxaana uu hadda u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa laga gaadhayo sannadka 2029.
Real Madrid oo Sabtidii ku guuleysatay Champions League ayaa waxa ay taageereyaasheeda faraxsan hadiyad uga dhigtay Kylian Mbappe oo hoggaamin doona safka weerarka kooxda tababare Carlo Ancelotti ee xilli-ciyaareedka dambe, waxaanay weerarka ugu halista badan wada abuuri doonaan Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.
Kaddib shaacinta heshiiska Kylian Mbappe ee Real Madrid, waxa baraha bulshada qabsatay su’aal la xidhiidha lambarka uu xidhan doono xiddiga reer France iyadoo uu Luka Modric oo No.10 haysta uu xaqiijiyey inuu sii joogayo Santiago Bernabeu xilli-ciyaareedka dambe. Sidoo kalena uu Vinicius Junior haysto maaliyadda No.7.
Wargeysyada AS iyo Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid oo soo xiganaya masuuliyiin Real Madrid ah ayaa xaqiijiyey in Kylian Mbappe uu xilli-ciyaareedka soo socda xidhan doono No.9 oo iska bannaanaa tan iyo markii uu kooxda ka tegay Karim Benzema xagaagii hore, balse waxa uu lambarkan xidhnaan doonaa hal sano oo kaliya.
Mbappe ayaa xilli-ciyaareedkiisa labaad ee Real Madrid waxa uu la wareegi doonaa No.10 oo uu ka dhaxli doono Luka Modric oo waqtigaas ciyaaraha ka fadhiisan doona amaba koox kale kusii qaadan doona waqti kooban ka hor inta aanu kabaha tiirinin.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Real Madrid usoo xidhay No.9 ee uu Kylian Mbappe dariiqooda raacayo:
Karim Benzema (10/11 – 22/23), Cristiano Ronaldo (09 /10), Javier Saviola (08/09), Roberto Soldado (07/08), Ronaldo (03/04 – 06/07), Fernando Morientes (99/00 – 03/04), Davor Suker (96/97 – 98/99), Luis Enrique (95/96), José Amavisca (94/95), Alfonso (93/94), Iván Zamorano (92/93 – 95/96), Fernando Hierro (91/92), Luis Enrique (91/92), Rafael Gordillo (91/92), Adolfo Aldana (90/91), Sebastián Losada (90/91), Hugo Sánchez (85/86 – 91/92), Emilio Butragueño (84/85), Isidro Díaz (84/85), Francisco Pineda (84/85), Laurie Cunningham (81/82), Santillana (79/80 – 87/88), Santillana (76/77), Vicente del Bosque (75/76) , Pirri (72/73), Santillana (71/72 – 72/73), Juan Planelles (70/71), Ramón Grosso (67/68), Amancio (66/67), Ramón Grosso (65/66), Alfredo di Stéfano (63/64), Alfredo di Stéfano (61/62), Raymond Kopa (58/59), Alfredo di Stéfano (55/56 – 59/60), Roque Olsen (50/51 – 52/53) , Pachichu (50/51), Luis Molowny (50/51 – 51/52), Sabino Barinaga (49/50), Javier Marcet (48/49 – 49/50), Pahiño (48/49 – 52/53) , Pruden Sánchez (46/47), Manuel Alday (39/40 – 40/41), Fernando Sañudo (35/36), Josep Samitier (33/34), Manuel Olivares (32/33).