Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waxa usoo yeedhay war murugo leh toddobaad ka hor ciyaarta adag ee Manchester City ay martida ugu noqon doonaan garoonka Etihad Stadium, waxaana hadda la shaaciyey dhaawac xiddig halbowle u ah oo laga saaray xulka qaranka England.
Arsenal oo horraantii toddobaadkan uu ka dhaawacmay difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes, ayaa waxa haddana lagu wargeliyey in uu dhaawacmay garabka weerarka ee Bukayo Saka oo ay waxyeello kasoo gaadhay tababarkii uu xulka qaranka England iskugu diyaarinayey ciyaarta Brazil ee Sabtida.
Arsenal ayaan wali ka hadal dhaawaca soo gaadhay Bukayo Saka, sidoo kalena xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA iyo tababaraha xulka qaranka Gareth Southgate ayaanu midkoodna saxaafadda la wadaagin inta uu le’eg yahay dhaawacu.
Tababare Gareth Southgate ayaa liiska ciyaartoydiisa ka saaray Bukayo Saka markii uu dhaawacmay, sida uu qoray wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka UK.
England oo la ciyaaraysa waddamada Brazil iyo Belgium maalmaha Sabtida iyo Salaasada, ayaa waxa aan labadan kulanba qayb ka noqon doonin Bukayo Saka.
XIlli-ciyaareedkan socda ayuu Bukayo Saka u saftay kooxdiisa 27 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu u dhaliyey 13 gool iyo siddeed kale oo uu caawiyey, waxaana haddii uu dhaawaciisu cuslaado ay dhibaato ku noqon doontaa kooxdiisa oo haysa hoggaanka horyaalka Premier League.