Sidii aanu idiinku soo gudbinay wararkayagii hore, waxa xabsiga loo taxaabay laba ciyaartoy oo magacyadooda iyo kooxahoodaba la qariyey oo lagu eedeeyey inay ku kaceen falal kufsi ah, waxaana hadda war soo saartay koox la sheegay inay labadan ciyaartoyba u dheelaan.
Da’da labadan ciyaartoy ayaa la sheegay inay tahay 19 jirro, waxaana lagu sii daayey damaanad markii ay boolisku waraysiyo kaga qaadeen saldhig boolis oo ay in muddo ah ku xidhnaayeen.
Warar soo baxay ayaa sheegay in ciyaaryahannadan ay ka tirsan yihiin kooxda horyaalka Premier League ee Wolves, taas oo keentay in goordhoweyd ay kooxdani soo saartay war-saxaafadeed ay kaga gilgilanayso arrintan.
Wolves ayaa waxa ay sheegtay in warka sheegaya in labada ciyaartoy ee kufsiga loo xidhay inuu yahay kooxdooda aanu ahayn war sugan, isla markaana sumcadda lagaga dilayo ciyaartoydooda.
Warka oo sheegay in kufsigu uu dhacay habeenkii Jimcihii ayaa saacado kaddib uu qofka dhibbanaha ay la xidhiidhay booliska oo uu u gudbiyey cabashada falka lagula kacay, waxaana isla markiiba lasoo xidhay ciyaartoydan.