Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay sii socdaan kooxaha dhibcaha laga jarayo xilli-ciyaareedkan iyadoo lagu eedaynayo inay jabisay sharciga dhaqaalaha iyadoo hore sidan oo kale uu Premier League ciqaab noocan oo kale ah.
Premier League ayaa markii labaad kusoo noqday oo dhibco ka jaray kooxda Everton oo hadda halis ugu jirta inay u dhacdo heerka labaad iyadoo horraantii xilli-ciyaareedkana laga jaray toban dhibcood.
Toffees ayaa lagu wargeliyey in lagu helay dembi culus oo ah midkii horeba loogu haystay oo ah in ay xilli-ciyaareedkii hore jabisay sharciga faa’iidada iyo sugnaanta, sidaas daraadeedna laga jaray laba dhibcood oo kale.
Everton ayaa hore waxa loogu riday ganaax toban dhibcood lagaga jaray laakiin rafcaan ay kooxdu ka qaadatay ayaa waxa loogu soo celiyey afar dhibcood oo haddana laba ka mid ah laga sii qaaday.
Ganaaxan ayaa ka dhigan in Everton ay hadda kaabiga u saaran tahay khadka cas, balse war-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayay ku sheegtay inay rafcaan ka qaadan doonto ganaaxan lagu riday.