Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey inuu dhibco ka jaray koox weyn oo Premier League ah oo ay ku ciqaabeen inay jabisay sharciga dhaqaalaha, taas oo mar hore uu ku dhacay xukun lagaga jaray dhibco.
Kooxda kubadda cagta Everton ayaa uu Premier League shaaciyey inay ka jareen lix dhibcood, iyadoo la yareeyey tirada dhibcihii hore looga gooyey oo ahaa toban.
Baadhitaano uu sameeyey Premier League, ayaa lagu sheegay in Everton ay meel kaga dhacday sharciga Premier League ee ilaalinta sugnaanta maaliyadeed iyo ilaalinta macaashka xilli-ciyaareedkii 2021-22, waxaanay go’aamiyeen in ay ka jareen lix dhibcood, iyagoo ka yareeyey ganaaxii hore oo ahaa toban dhibcood.
Go’aanka Premier League ayaa waxa Everton uu u keenayaa inay yeelao 25 dhicood oo ay u dallacdo kaalinta 15aad ee miiska kala-sarraynta.
Dhegaysi socday muddo shan maalmood ah ayay Everton ku qiratay inay jabisay sharciga, waxaase ay heleen go’aan ka farxiyey oo dib ugu soo celiyey afar ka mid ah tobankii dhibcood ee hore looga jaray.
Saddex kooxood oo Premier League ah ayaa hore dhibco looga jaray, waxaanay kala ahaayeen Middlesbrough oo xilli-ciyaareedkii 1996/97 saddex dhibcood looga jaray markii ay ku guul-darraysteen in ay ciyaartoydeedu soo galaan garoonka kulan ay la ciyaarayeen Blackburn Rovers.
March 2010 ayaa sidoo kale waxa sagaal dhibcood laga jaray Portsmouth oo dhaqaale xumo ku habsatay ay dawladdu kula wareegtay iyo Tottenham oo xilli-ciyaareedkii 1994/95 laga jaray 12 dhibcood.