Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqada ka cayrisay tababaraheedii hore, Thiago Motta, isla markaana ay magacaabeen Igor Tudor inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda. Go’aankan ayaa yimid kadib natiijooyin liita oo kooxda la kulantay xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in maamulka sare ee Juventus ay qaadaan tallaabooyin isbeddel ah si ay u soo celiyaan guulihii kooxda.
Thiago Motta, oo xilka tababarenimo ee Juventus qabtay sagaal bilood ka hor, ayaa wajahay cadaadis sii kordhaya kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay ka mid yihiin 3-0 oo ay kala kulmeen Fiorentina iyo 4-0 oo ay Atalanta ku garaacday. Natiijooyinkaas ayaa sabab u noqday in kooxda ay hoos ugu dhacdo kaalinta shanaad ee horyaalka Serie A, iyadoo hal dhibic ka dambeysa Bologna oo ku jirta kaalinta afaraad.
Igor Tudor, oo horey uga tirsanaa Juventus ciyaaryahan ahaan intii u dhaxeysay 1998 ilaa 2006, ayaa hadda loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.
Tudor, oo 46 jir ah, ayaa sidoo kale soo noqday caawiye tababare ee Andrea Pirlo xilligii uu maamulayay Juventus. Khibradiisa ciyaareed iyo tan tababarenimo ayaa laga filayaa inay ka caawiso kooxda inay dib ugu soo laabato wadada guusha.
Magacaabista Tudor ayaa timid kadib markii warar soo baxay ay tilmaameen in Roberto Mancini, oo horey ugu guuleystay horyaalka Premier League, uu aqbalay inuu qabto xilka tababarenimo ee Juventus ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Juventus ayaa doorbiday inay magacaabaan Tudor, maadaama uu horey ugu soo ciyaaray kooxda isla markaana uu yaqaan dhaqanka iyo habka ciyaareed ee Juventus.
Maamulka Juventus ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu doonayo in kooxda lagu soo celiyo heerkeedii sare ee tartamada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay kalsooni buuxda ku qabaan in Tudor uu yahay shaqsiga ku habboon ee hogaamin kara kooxda xilligan adag.
Taageerayaasha Juventus ayaa rajeynaya in isbeddelkan uu keeno horumar iyo guulo cusub, iyadoo Tudor uu wajahayo shaqo culus oo ah inuu kooxda ku hogaamiyo kaalmaha sare ee horyaalka Serie A iyo in la xaqiijiyo booska Champions League xilli ciyaareedka soo socda.