Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in aanu marnaba tababare u noqonayn laba kooxood oo waaweyn oo sugayey marka uu ka tago Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, kuwaas oo hadda candhuuftooda dib u liqi doona oo raadsan doona tababareyaal kale.
Jurgen Klopp oo hore u shaaciyey inuu ka tegi doono kooxdiisa Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu sheegay in aanu tababare u noqon doonin labada kooxood ee shaaciyey in macallimiintoodu ka tagayaan ee Barcelona iyo Bayern Munich.
Barcelona ayaa hore u shaacisay in Xavi Hernandez uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedka, sidoo kalena Bayern Munich ayaa maanta sheegtay inay shaqada ka caydhinayso Thomas Tuchel oo sannad ka hor ay magacaabeen, isla markaana uu kaliya sii joogayo inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.
Labadan kooxoodba waxa la sheegay in ay doonayaan in ay Jurgen Klopp ka dhigtaan macallimiintooda cusub, waxaase arrintaas ka jawaabay wakiilka Jurgen Klopp oo lagu magacaabo Marc Kosicke oo sheegay in aanu Klopp midkoodna tababare u noqon doonin labadan kooxood.
“Jurgen Klopp ma noqon doono tababaraha kooxnaba ama xul qaran muddo sannad ah kaddib dhamaadka xilli-ciyaareedkan.” Ayuu yidhi wakiilka Jurgen Klopp oo la hadlay Sky Sport Germany.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxba iskama beddelayaan arrintan.”