Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay go’aanka ay kooxdiisu ku dooratay, in Arne Slot uu noqdo macallinka cusub ee isaga beddeli doona marka uu ka tago Anfield dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Jurgen Klopp ayaa bishii January shaaciyey inuu dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doono kooxdiisa Liverpool ee uu sagaalka sannadood soo laylinayey, waxaana ay u badan tahay in Arne Slot uu noqonayo tababaraha cusub ee Liverpool.
Slot oo ah tababaraha Feyenoord ayaa shalay sheegay inuu doonayo in uu noqdo tababaraha Liverpool oo uu ogolaaday dalabkii uu ka helay Reds, laakiin uu usgayo kaliya inta labada kooxood ay isla meel-dhigayaan heshiis ay isaga kula kala wareegayaan.
Liverpool oo hore loola xidhiidhinayey Xabi Alonso iyo Ruben Amorim, ayaa waxa saacadaha soo socda la filayaa inay shaaciso, in Slot uu yahay tababaraheeda cusub ee beddelaya Jurgen Klopp.
Klopp oo maanta la weydiiyey aragtidiisa in Arne Slot ay kooxdiisa Liverpool ku beddesho isaga ayaa waxa uu sheegay in go’aanka ay iska leedahay kooxdu, isaguna aanu wax saamayn ah ku lahayn, laakiin ay wax wanaagsan tahay in Slot uu isagu doonayo inuu noqdo tababaraha Liverpool.
“Anigu wax lug ah kuma lihi, waa go’aan ay kooxdu leedahay, laakiin waxa aan in badan jeclaystay in Arne uu yahay qofka doonaya inuu qabto shaqadan.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.
Waxa uu intaa ku daray: “Waan jecelahay qaab ciyaareedka kooxda Arne, wax kasta oo aan ka maqlayna waa in uu yahay tababare wanaagsan. Waxa aan u sheegayaa in Liverpool ay tahay shaqada ugu wanaagsan adduunyada.”