Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa sheegay, in caawa si rasmi ah loogu dhawaaqayo heshiiskiisa Real Madrid, isla markaana sidaas uu ku noqonayo xiddig ka tirsan kooxda reer Spain ee uu illaa carruurnimadiisii taageerayey.
Madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron oo goordhoweyd booqday garoonka tababarka xulka qaranka France ee Clairefontaine, ayaa waxa ay kulmeen Kylian Mbappé oo uu weydiiyey su’aal ahayd: “Wax walba oo heshiiskaaga ah miyay dhan yihiin? Goorma ayaase lagu dhawaaqi doonaa, ma maanta?”
Mbappe oo u jawaabay ayaa yidhi: “Caawa, caawa ayaa lagu dhawaaqayaa.”
Telefishanka RMC ayaa si toos ah u baahinayey muuqaalka Kylian Mbappé iyo madaxweyne Emmanuel Macron, waxaana sidoo kale muuqaalka laga maqlayaa codka ay is-weydaarsanayaan Macron iyo Mbappe.
Kylian Mbappe oo u muuqanaya inuu diiraddiisa saarayo ciyaaraha xulka qarankiisa ee ka horreeya tartanka Euro 2024 ee saaxiibtinimo ayaa waxa shaacinta heshiiskiisu ay meesha ka saaraysaa hadal-hayntii mustaqbalkiisa ee muddada dheer soo jirtay, isaga oo si xor ah ugu wareegaya Real Madrid.