Xidhiidhka farsamada iyo garsoorka Spain ayaa ganaaxay tababarihii indhaha ceebeed kusoo jeediyey horyaalka Spain ee LaLiga kaddib qalad xun oo uu sameeyey ciyaartii Real Madrid iyo Valencia ee Sabtidii ee kusoo dhamaatay barbarraha 2-2 ah.
Xidhiidhka farsamada iyo garsooreyaasha Spain ayaa waxa ay garsoore Gil Manzano ka saareen liiska garsooreyaasha horyaalka Spain ee usbuucan, waxaana sidoo kale muddo laga joojin doonaa shaqada.
Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in Gil Manzano lagu wargeliyey in garoomada iyo shaqooyinka ciyaaraha laga joojiyey muddo aan la cayimin, isla markaana uu hoygiisa joogi doono isaga oo aan garanayn waqtiga dib loogu yeedhi doono.
Qirashadii Gil Manzano
Garsoore Gil Manzano ayaa waxa u yeedhay oo la kulmay xidhiidhka farsamada iyo garsoorka Spain, waxaanay wax ka weydiiyeen wixii dhacay ciyaartii Real Madrid iyo Valencia oo uu ciyaarta dhameeyey iyadoo kubaddu hawada ku jirta oo goolka waxyar usii jirta, isla markaana iyadoo aan siidhigu ka dhamaanin afkiisa uu Jude Bellingham madax ku dhaliyey goolka balse uu garsooruhu diiday goolkaas.
Gil Manzano ayaa la sheegay inuu u qirtay xidhiidhka farsamada iyo garsoorka Spain in uu sameeyey qalad xun, isla markaana uu masuuliyadda wixii dhacay isagu qaadayo, taas oo keentay in dhamaan shaqada garsoorka dhexe iyo VAR intaba laga joojiyo.
Wararka ayaa sheegaya in ganaaxu uu socon doono illaa saddex toddobaad, iyadoo la marsiinayo ciqaab la mid ah Ortiz Arias oo isaguna hore u sameeyey qalad uu buuq badan ka dhashay.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa go’aansatay inay rafcaan ka qaadato casaankii la siiyey Jude Bellingham iyo kaadh digniin ahaa oo isla falkan uu ku qaatay weeraryahanka reer Spain ee Joselu.
Waa sax in qaladkaas laga said garsoorahaasi