Tababarihii hore ee Manchester United Erik ten Hag ayaa dib loogu arkay magaalada Manchester, kaliya seddex isbuuc ka dib markii shaqada laga ceyriyay, sida ay qortay Dailymail.
Macalinka reer Holland ayaa la arkayay isaga oo ka soo baxaya makhaayad, waxaa la soctay xaaskiisa Bianca.
Ten Hag waxa uu booqday maqaaxida uu jecel yahay ee talyaaniga ah ee lagu magcaabo Piccolino, oo ah meel uu tagi jiray intii uu joogay Manchester.
Waxaa la rumeysan yahay in lamaanuhu ay magaalada u joogeen si ay alaabtooda uga rartaan gurigooda ku yaala Manchester.
Ten Hag ayaa laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee Manchester United ka dib waqti adag oo uu qaatay, waxa uu kooxda ku sugnaa tan iyo May 2022, isagoo kula guuleystay 2023 League Cup iyo 2024 FA Cup.
Ruud van Nistelrooy ayaa si ku meel gaar ah ula wareegay xilka tababarenimo ka hor inta aan si rasmi ah loo magacaabin tababaraha reer Portugal ee Ruben Amorim.
Kahor inta uusan qaban Manchester United, Ten Hag wuxuu guulo taariikhi ah la gaaray Ajax, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo Eredivisie ah iyo labo koob oo KNVB ah.