Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa shaqada laga caydhin doonaa, waxaana rajo kasta oo uu qabay soo afjartay Coventry City oo maanta ku ceebaysay garoonka Wembley Stadium, halkaas oo ay Red Devils rikoodheyaal ugu gudubtay finalka FA Cup.
Manchester United oo ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0 iyadoo 20 daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka ayaa waxa laga daba keenay saddexda goolba, waxaana ay nasiib ku yeesheen in waqti dambe ay VAR diidday gool ay Coventry dhalisay daqiiqaddii 122aad, ka hor intii aanay Man United rikoodheyaasha kusoo bixin.
Fiinalka FA Cup ayay Manchester United la ciyaari doontaa Manchester City, waxaase haddaba go’aan laga sii gaadhay mustaqbalka tababare Erik ten Hag oo Sir Jim Ratcliffe iyo maamulka kale ee kooxda ee joogay Wembley ay arkeen in aanu ahayn tababare ay guul ka sugi karayaan mar haddii ay goob-joog u noqdeen wixii dhacay maanta.
Jamie Carragher oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa sheegay in ciyaartani galaafatay shaqadii Erik ten Hag oo ay hadda uga dhamaatay Old Trafford, waxaanu yidhi: “Natiijadaasi waxay galaafatay shaqadii Erik ten Hag. Anigu ma garanayo sida uu kusii joogayo, run ahaantiina masii joogi doono.”