Xeer-ilaalinta Spain ayaa si rasmi ah ugu xukuntay tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, xabsi dhan 4 sano iyo 9 bilood, iyo ganaax lacageed oo gaaraya €3.2 milyan, kaddib markii lagu helay dambi la xiriira lunsiga cashuur.
Muxuu Ancelotti Ku Eedeysnaa?
Ancelotti ayaa lagu helay inuu qariyay in ka badan €1 milyan oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2014-2015, xilligii uu markii hore tababaraha u ahaa Real Madrid. Sida ay sheegtay maxkamadda, tababaraha reer Talyaani wuxuu isticmaalay shirkado aan shaqo rasmi ah lahayn si uu u qariyo dakhliga uu ka helay xuquuqda sawirkiisa.
Qareenka Ancelotti Oo Eedeyn U Jeediyay Real Madrid
Qareenka Ancelotti ayaa maxkamadda ka hor sheegay in tababaruhu aanu eedeyn heli lahayn haddii Real Madrid ay si sax ah u maamuli lahayd canshuurtiisa. Wuxuu ku dooday in kooxda ay ahayd inay xaqiijiso bixinta waajibaadka maaliyadeed ee tababaraha.
Real Madrid Oo Difaacday Sumcadeeda
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa sheegtay in aysan jirin wax iskuday ah oo ay kooxda sameysay si ay uga fogaato bixinta cashuurta la isku haysto. Kooxda ayaa si rasmi ah uga gaabsatay inay si toos ah uga hadasho xukunka tababaraheeda.
Maxaa Xiga?
Inkastoo Ancelotti la xukumay, waxaa jirta fursad uu racfaan uga qaadan karo go’aanka maxkamadda. Haddii racfaankiisa la diido, wuxuu wajihi karaa xabsi dhab ah, taasoo saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalkiisa tababarenimo iyo Real Madrid oo laga yaabo inay beddel u raadiso.
Kiisas La Mid Ah
Ancelotti wuxuu ku biiray liiska ciyaartoy iyo tababarayaal hore oo lagu helay dambiyo la xiriira cashuur lunsi, sida Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, iyo José Mourinho, kuwaas oo dhamaantood bixiyay ganaaxyo lacageed si ay uga fogaadaan xabsi.