Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa la saxeexanaysa ciyaartoygii saddexaad ee Ingiriis ah lix bilood gudahood, kaddib markii ay Allianz Arena tageen Harry Kane oo wacdaro ka dhigaya iyo Erik Dier oo bishan January ay Bavaria kala wareegtay Tottenham.
Munich ayaa u muuqata inay ku qanacsan tahay ciyaartoyda Ingiriiska, waxaana raad cusub u furay Harry Kane oo xagaagii ay £104 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Tottenham, halka Eric Dier uu isaguna horraantii bishan ka degay Jarmalka isagoo soo afjaray waqtigiisii Spurs.
Tababare Thomas Tuchel oo doonaya inuu sii xoojiyo safkiisa, ayaa waxa uu hadda qarka u saaran yahay inuu la wareego oo uu kooxdiisa ku xoojiyo difaaca boosaska badan ka ciyaara ee Kieran Trippier oo u dheela Newcastle, kaas oo la sheegay inuu saacadaha soo socda u duulayo magaalada Munich.
Trippier oo hore uga soo garab ciyaaray Kane iyo Dier oo ay kasoo wada dheeleen Tottenham ayaa dabada ka riixaya heshiiska si uu ula midoobo xiddigaha ay hore saaxiibbada u ahaayeen, isla markaana uu ugu guuleysan karo koobab.
Munich oo raadinaysa difaaca midig ayaa waxa badheedhay tababare Tuchel oo toddobaadkan sheegay in naadigiisu u baahan yahay inuu difaaca midig iska xoojiyo, kaddib markii Nous Mazraouri uu tegay koobka Qaramada Afrika, taas oo keentay in Konrad Laimer ay ku qasbaan inuu ka dheelo difaaca midig oo aan booskiisii saxda ahaa ahayn.
Drwin nunez