Neymar, oo ka tagay Barcelona sanadkii 2017 si uu ugu biiro Paris Saint-Germain aduun lacageed rikoor ah, ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu soo laabanayo Catalunya iyadoo xiddiga reer Brazil uu indhaha ku hayo inuu ku soo laabto Yurub kahor xilli-ciyaareedka 2025-26.
Weeraryahanka 33-jirka ah ayaa lix sano ku qaatay caasimadda Faransiiska ka hor inta uusan u wareegin Sacuudiga, halkaas oo uu ku dhibtooday isagoo inta badan garoomada ka maqnaa sababo la xiriira dhaawac jilibka ah (ACL). Bishii Janaayo 2025, Neymar ayaa si wadajir ah u kansalay heshiiskiisii uu kula jiray Al-Hilal si uu ugu laabto dalkiisa hooyo oo uu ugu biiro kooxdiisii carruurnimada ee Santos.
Iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xiddiga reer Brazil uu dib ugu soo laabanayo Blaugrana, wargeyska SPORT ayaa sheegaya in agaasimaha isboortiga ee Deco uu si rasmi ah u diiday fursad kasta oo Neymar dib loogu soo celin karo xagaaga. Sababta uu sidaas u sameeyay ayaa la sheegay inay tahay hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Neymar sannadihii ugu dambeeyay.
Kooxda ayaa sidoo kale dooneynin Neymar inuu ku soo laabto qolka labiska maadaama ay dareensan yihiin in saameyntiisa ay noqoto mid taban oo wax u dhimi karta xiddigaha da’da yar ee kooxda ee soo baxaya.
Xiddigii hore ee PSG ayaa gaaray guulo badan intii uu joogay muddadii ugu horreysay ee uu ku sugnaa Camp Nou isagoo dhaliyay 105 gool isla markaana caawiye ka ahaa 76 gool kale tartamada oo dhan 186 kulan oo uu saftay. Wuxuu laba jeer ku guuleystay La Liga iyo sidoo kale Champions League.