Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday in Bukayo Saka uu ku maqnaan doono toddobaadyo badan dhaawac muruqa ah oo soo gaaray taasoo dhabar jab weyn ku ah rajadii horyaalka ee Arsenal.
Saka ayaa dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Arsenal 5-1 kaga badisay Crystal Palace sabtidii hore, iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara la arkay isaga oo ka baxaya Selhurst Park.
Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Arteta ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Saka uu ku hayo welwel gaar ah, balse ma uusan sheegi karin inta uu garoomada ka maqnaan doono.
Laakiin shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka jimcaha gurigooda ay kula ciyaarayaan Ipswich Town, maamuluhu Arsenal ayaa bixiyay warar dheeraad ah oo la xiriira dhaawaca Saka.
‘Ma fiicna. Waxa uu maqnaan doonaa toddobaadyo badan,’ tababaraha Isbaanishka ayaa yiri.
Dgunaca kale The Times ayaa soo warisay in dhaawaca Saka ay u badan tahay inuu qaato afar ilaa lix toddobaad. taasoo la micno ah inuu soo laabto horaanta bisha Febraayo.