Declan Rice oo si xiiso leh uga falceliyay maqalka in Liverpool ay dhibco lumisay kaddib guushii Man United.
Declan Rice ayaa bixiyay falcelin cajiib ah kaddib markii loo sheegay in Liverpool ay dhibco lumisay kulankii Newcastle United.
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal ayaa ka mid ahaa kuwa ugu bandhigga wacnaa ciyaartii ay kooxdiisu 2-0 kaga adkaatay Manchester United oo uu hogaaminayay Ruben Amorim, kulan ka dhacay garoonka Emirates habeenkii Arbacada.
Goolal ay dhaliyeen Jurrien Timber iyo William Saliba ayaa guul muhiim ah u xaqiijiyay Arsenal, taas oo ka sii dhigtay habeenka mid gaar ah markii hoggaamiyeyaasha horyaalka, Liverpool, ay barbaro 3-3 ku galeen St. James’ Park, kaddib gool uu Fabian Schar daqiiqadihii dambe u dhaliyay Newcastle.
Markii ciyaarta Emirates lagu soo gabagabeeyay, Rice ayaa wareysi siiyay Amazon Prime Video, halkaas oo lagu wargeliyay in Liverpool ay dhibco lumisay.
Wariyuhu wuxuu yiri:
“War kale oo wanaagsan, Liverpool caawa barbaro ayay gashay, dhibco ayay lumiyeen, sidaas darteed waxaad hoos u dhigteen farqiga dhibcaha ay ku hayaan horyaalka. Miyaad dareemeysaa farxad?”
Rice ayaa ku jawaabay:
**”Haa, waa warkii ugu fiicnaa, laakiin bal eeg, dadka waxay isku soo qaadaan sheekooyinka hanashada horyaalka. Waxaan qeyb ka ahaa arrintan oo kale sanadkii la soo dhaafay.
“February ayaa ugu yaraan la saadaalin karaa, waqti hore ayay tahay in la saadaaliyo waxa dhici doona. Haa, farqiga wuu yaraaday laakiin waddo dheer ayaa inoo harsan. Waxaan sii wadi doonnaa inaan nafteena aaminno.”
Wareysiga ayuu ku muujiyay Rice dareenka saxda ah oo uu diiradda ku saarayo xilli ciyaareedkan iyadoo Arsenal ay ku sii jirto tartanka hanashada horyaalka.