Shan ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa dheelaya kulankoodii ugu dambeeyey ee ay xidhanayaan garanka kooxda reer Spain iyadoo caawa ay kooxdu dheelayso ciyaartii ugu dambaysay ee ay kusoo xidhanayso xilli-ciyaareedka.
Barcelona ayaa caawa marti u noqon doonta Sevilla, waxaana ciyaartan xiise gaar ah u yeelaya tababare Xavi Hernandez oo shaqada laga caydhiyey oo ay u tahay kulankiisii ugu dambeeyey waxaana sii sagootin doona taageereyaasha kooxdiisa.
Sida ay warbaahinta waddanka Spain sheegayso, waxa kale oo caawa ay kulankoodii ugu dambeeyey ciyaari doona shan ciyaartoy oo saddex ka mid ah ay yihiin rukunnada ay ku taagan tahay Barcelona, halka labada kalena ay yihiin ciyaartooyo muhiim ahaa xilli-ciyaareedkan balse marka horeba ku yimid amaah.
Xiddigaha reer Portugal ee Joao Felix iyo Joao Cancelo oo ay Barcelona amaah kaga soo qaadatay kooxaha Atletico Madrid iyo Manchester City ayaa la sheegay in Joan Laporta uu go’aan ku gaadhay in aanu la saxeexanin sidaas daraadeedna ay dib ugu noqon doonaan kooxihii ay amaahda kaga yimaaddeen.
Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona oo ay haysato dhaqaale xumo, in ay ka fiirsan doonto inay iibiso saddexda ciyaartoy ee laf-dhabarta u ah ee Ronald Araujo, Frenkie de Jong iyo Raphinha, kuwaas oo iyagana aan la hubin inay xilli-ciyaareedka dambe joogi doonaan.