Frenkie de Jong ayaa go’aan muhiim ah ka gaaray mustaqbalkiisa Barcelona, isagoo doonaya inuu sii joogo kooxda kadib marka uu dhammaado qandaraaskiisa 2026.
Sida ay warinayso Mundo Deportivo, dad u dhow de Jong ayaa u sheegay wargeyska in 27-jirkan uu doonayo inuu sii joogo Barcelona, balse uusan rabin inuu heshiis cusub saxiixo xilligan. Wuxuu doorbidayaa inuu sugo ilaa Maarso/Abriil si uu markaas wadahadalka kordhinta heshiiska u furo.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in dhanka dhaqaale uusan muhiim u ahayn de Jong sida ay muhiim ugu tahay inuu kusii nagaado kooxda.De jong ayaa doonaya inuu qeyb weyn ka noqdo mashruuca lagu dhisayo kooxda Hansi Flick.