Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana uu ka walaacsan yahay mustaqbalka shan ciyaartoy oo kooxdiisa ah oo la sheegay inay ku fikirayaan inay iskaga tagaan Etihad Stadium dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Manchester City oo xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay saddexda koob ee Premier League, Champions League iyo FA Cup ayaa mar horeba ay riyadeedii ahayd inay difaacato koobabkani ay dhantaalantay, waxaana wiiqday Real Madrid oo Arbacadii ka reebtay Champions League.
City oo ah kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League marka guul loogu xisaabiyo ciyaarta ka baaqatay usbuucan oo ay tartanka FA Cup ciyaarayaan, ayaa waxa ay haysataa ciyaartooyo waaweyn oo qaarkood aanay ku qanacsanayn fursadda uu siiyo tababare Pep Guardiola.
Shan ciyaartoy oo doonaya inay iskaga tagaan Etihad Stadium marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa magacyadooda ay warbaahinta Ingiriisku heshay, waxaana hoggaaminaya labada halbowle ee iyagu boosaska joogtada ah haysta ee Bernardo Silva iyo Kevin de Bruyne.
Silva ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Barcelona, halka Kevin De Bruyne ay kooxaha horyaalka Sucuudigu lacago badan ku baadi goobayaan.
Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa ah Jack Grealish oo marar badan uu tababare Pep Guardiola kursiga kaydka geliyey isaga oo isku arkaya inuu yahay ciyaartoyga ugu fiican kooxda, Stefan Ortega oo ah goolhayihii la baxsaday Man City waqtigii uu ka dhaawacnaa Ederson iyo laacibka amaahda kaga maqan ee Kalvin Phillips.