Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku ducaysanaysa in ciyaartoydeeda oo taam ah ay kasoo laabtaan ciyaaraha caalamiga ah ee bishan March, iyadoo kulamadii koowaad aanay diiwaangelin wax dhaawacyo ah balse waxa hadhay min hal ciyaar oo Salaasada iyo Arbacada lasoo gabogabayn doono.
Liverpool oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa waxa ay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa Brighton maalinta Axadda ee March 31, waxaase walaac ku haya xiddigaha kaga maqan xulalka, sida Luis Diaz, Cody Gakpo, Van Dijk, Andy Robertson, Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Joe Gomez, Harvey Elliott iyo kuwo kale.
Haddii Liverpool ay ciyaartoydeedu usoo laabtaan iyaga taam ah oo xulalkooda kasoo laabtaan, Jurgen Klopp ayaa waxa kale oo uu helayaa ciyaartooyo kale oo dhaawac kaga maqnaa oo taam u noqonaya usbuuca soo socda.
Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ka dhaawacmay Liverpool isla markaana ka baxay kulankii guul-darrada ee Manchester United ee FA Cup, ayaa la filayaa inuu dib usoo laabto usbuuca dambe kaddib markii uu tababare Marcelo Bielsa ka reebay liiska xulka qaranka Uruguay.
Ciyaarta Brighton ee Axadda toddobaadka dambe, Liverpool waxa ay dib u heli doontaa Darwin Nunez iyo Curtis Jones, kulanka xiga ee Sheffield United ayaa waxa kale oo ay heli doonaan Alexander-Arnold, halka Diogo Jota uu kulanka weyn ee Man United dib ugu soo laaban doono kooxdiisa.
Waa kuwan xiddigaha ka dhaawacan Liverpool iyo waqtiga ay soo noqonayaan
Darwin Nunez: Brighton – March 31
Curtis Jones: Brighton – March 31
Trent Alexander-Arnold: Sheffield United – April 4
Diogo Jota: Manchester United – April 7
Alisson Becker: April
Stefan Bajcetic: April
Thiago Alcantara: Lama garanayo
Joel Matip:Lama garanayo
Ben Doak: Lama garanayo