Xiddigii hore ee Brazil iyo Barcelona ee Dani Alves ayaa maanta la horkeenay maxkamad ku taalla waddanka Spain isaga oo waajahaya xukun 12 sannadood ah.
40 ;jirkan ayaa waxa saaka laga soo saaray jeelka Brians 2 Prison ee duleedak magaalada Barcelona, waxaana soo qaaday booliska oo horkeenay maxkamadda kaddib muddo sannad ka badan oo uu ku jiray jeelka oo uu xidhnaa.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay, in ay doonayaan in Dani Alves lagu xukumo muddo sagaal sannadood ah haddii uu ku caddaado kiiska kufsiga ee loo hayso oo ah inuu haweenay ku xoogay hotel ku yaalla magaalada Barcelona markii ay taariikhdu ahayd December 30, 2022.
Alves oo ah aabbe laba-carruur ah haysta, ayaa hore u qirtay inuu musqusha hotel lagu caweeyo oo ku yaalla Barcelona uu ugu galmooday gabadh, balse waxa uu ku dooday in aanu xoogin oo ay raalli iska ahaayeen.
Qareennada u doodaya gabadha soo eedaysay Alves ayaa waxa uu maxkamadda horteeda ka sheegay in uu doonayo in Dani Alves lagu xukumo muddo 12 sannadood ah oo aan wax naxariis ah loo muujinin haddii uu ku caddaado kiiskan.
Waxa kale oo uu qareenka dhibbanuhu dalbanayaa in gabadhan la siiyo lacag dhan £128,000 Gini oo magdhow ah.