Madaxkamada Barcelona ayaa go’aansan doona maalinta Talaadada ee 19ka bishaan Maarso haddii xiddigii hore ee Brazil Dani Alves oo lagu xukumay xabsi afar sannadood iyo baro la sii deyn karo ama haddii uu dhameysan doono waqtiga lagu xukumay.
Alves ayaa lagu helay danbi inuu kufsi geystay, waxaana uu rajo ka qabaa in garsooraha uu u naxariisto madaama uu dabci wanaag ku soo bandhigay xabsiga taasoo u ogolaaneysa in xilli hore la sii daayo. Iyadoo dhawaan la faafiyay war been ah oo ku saabsan inuu xabsiga isku dhex dilay.
Qareenada u doodaya daaficii hore ee Barcelona ayaa codsaday in la sii daayo ciyaaryahanka laakiin weli go’aan kama danbeys ah lagama gaarin iyadoo arintaan la dhageysan doono maalinta Talaadada.
Sideedii bishaan, qareenka Alves, Ines Guardiola ayaa soo bandhigtay racfaan ay ka qaateen xukunka maxkamada Barcelona, waxay sidoo kale codsadeen in ciyaaryahanka xabsiga laga sii daayo madaama uu ka soo baxay sharciga dhab dhaqan wanaaga ee cafiska mudan.
41 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu dhameysto rubuc meelood mudadii lagu xukumay xabsiga taasoo u ogolaaneysa in xilli hore la soo daayo.
Marka laga soo tago in lagu xukumay xabsi afar sannadood iyo bar ah, maxkamada Barcelona waxay sidoo kale ku ganaaxay 150 kun euro iyo shan sannadood oo xaaladiisa lala soconayo ka dib xabsiga, waxaa sidoo kale laga mamnuucay inuu xiriir la sameeyo gabadhii uu dhibaatada u geystay muddo sagaal sannadood iyo bar ah.