Kevin De Bruyne ayaa sheegay inuu ku laaban doono Manchester City ka dib Koobka Qaramada Yurub, isagoo wax yar ka laabtay hadaladii dhawaa ee ahaa inuu u furan yahay u dhaqaaqista Saudi Arabia.
De Bruyne, oo 33 jir ah, ayaa hal sanno uga haray qandaraaskiisa City, welina ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan wadahadalada qandaraas kordhinta.
Xiddiga reer Belgium ayaa shan bilood ku maqnaa dhaawac xilli ciyaareedkii hore, ka hor inta uusan ku soo laaban bilowgii 2024 isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah si uu u xasuusiyo City tayadiisa dabiiciga ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo inuu caga dhiganayo horyaalka sacuudiga xilli todobaadkii hore uu sheegay inuu ka fiirsan doono u dhaqaaqista Sacuudi Carabiya isago la siinayo lacag waali ah.
Wareysi kale oo uu bixiyay De Bruyne ayaa wuxuu ku sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo uu la sameeyay koox ama horyaal ku saabsan u wareegis, wuxuuna qorsheynayaa inuu ku laabto Etihad ka hor ololaha cusub.
“Haa waan sii joogi doonaa City, waxaan akhriyay ciinwaano badan oo ku saabsan suuqa kala iibsiga, laakiin kama hadlin.
Waxaan ku arkay isaga [Michael Emanalo, oo ah Agaasimaha Isboortiga ee Saudi Pro League Koobka Kooxaha Adduunka.
Waan garanayaa Michael – markaa macno ayay noo samaynaysaa inaan wada sheekaysanno.
Waxaan saxiixay qandaraaskeyga waqtigii saxda ahaa, ayuu u yiri De Bruyne. “Haddii uu jiro dalab wanaagsan oo aad u sheegto Pep inaad rabto inaad baxdo, taasi waa suurtogal.
Tani way ka duwanaan kartaa kooxaha kale.
Laakiin waligey ma muujin inaan doonayo inaan baxo.” ayuu yiri xiddiga Man City Kevin De Bruyne.