Manchester United ayaa kula biirtay Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa Victor Osimhen.
Tababaraha cusub ee United Ruben Amorim ayaa isha ku haya inuu ku soo daro weeraryahan cusub sanadka soo socda kooxdiisa.
Osimhen oo muddo dheer bartilmaameed u ahaa Blues ayaa loo arkaa dooqa koowaad ee tababaraha reer Portugal.
Victor Osimhen waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka haatan,Chelsea ayaa doonaysay inay la soo wareegto suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay.
Blues ayaa wax walba u samaysay sidii ay Osimhen ula soo wareegi lahayd. Laakin, ma aysan helin weeraryahanka Nigeria oo doortay inuu amaah ugu biiro Galatasaray.
Osimhen ayaa la filayaa inuu magaciisa ku soo laabto suuqa kala iibsiga marka uu furmo January, iyadoo Man Utd loo arko kooxda dadaalka ugu badan ku bixin doonta saxiixiisa.
Chelsea ayaa wali dooneysa inay ku darto Osimhen safkeeda weerarka, balse tababare Amorim ayaa caqabad muuqata ku ah qorshaha Blues.