Ibrahima Konate ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa ku aaddan la ciyaarista Virgil van Dijk, isagoo kaftan ahaan u sheegay in kabtanka Liverpool uu had iyo jeer hoggaamiyo dareenka iyo ammaanta.
Konate iyo Van Dijk waxay ka mid yihiin lamaanayaasha daafaca ugu adag ee horyaalka Premier League xilligan. Daafacyada dhexe ee Liverpool ayaa door weyn ka ciyaaray guulaha kooxda, taasoo haatan si raaxo leh hoggaanka ugu heyso Premier League, iyadoo kaliya laga dhaliyay 27 gool xilli-ciyaareedkan 2024-25 – taasoo ka dhigaysa kooxda labaad ee laga dhaliyay goolasha ugu yar kaddib Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, daafaca reer France ayaa muujiyay niyad-jabkiisa ku aaddan la ciyaarista difaac adag sida Van Dijk, isagoo si kaftan ah ugu eedeeyay xiddiga reer Netherlands inuu had iyo jeer qabsado dareenka taageerayaasha iyo warbaahinta. Wuxuu sidoo kale amaanay Van Dijk, isagoo qiray inuu wax badan ka bartay laacibkaas.
Mar uu la hadlayay Sky Sports, Konate ayaa yiri:
“Virgil, waan wada ognahay sida uu u wanaagsan yahay, sida uu gaar u yahay, iyo waxa uu sameynayay sanado badan. Aad buu u fiican yahay. Waxaan wax badan ka bartay isaga. Markii aan imid kooxda, wuxuu isiiyay talooyin badan. Sidaan horey u iri, mar uun waxaan noqon doonaa mid ka fiican adiga, waana sababta aan si adag ugu shaqeeyo maalin kasta si aan taas u gaaro.”
Konate ayaa intaa ku daray:
“Waxaa layaab leh inta jeer ee aan heli lahaa abaalmarinta Man of the Match xilli-ciyaareedkan. Aad bay u wanaagsan tahay inaan la ciyaaro Virg maxaa yeelay waa ciyaaryahan aad u fiican, balse mararka qaar, dadka daawanaya waxay moodaan in kaliya Virgil uu ciyaarayo. Maya, aniguna waan ciyaarayaa. Aniguna ciyaar fiican ayaan sameeyay, laakiin maya, maxaa yeelay waa Virgil. Ma xaasidayo, laakiin si fiican u daawo ciyaarta, runta ayay kuu sheegi doontaa.”