Tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, ayaa muujiyey kalsooni buuxda ka hor kulanka xiisaha leh ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Madrid wareega 16-ka ee Champions League. Simeone ayaa tilmaamay in kulankani uu yahay fursad weyn oo muhiim u ah magaalada Madrid iyo guud ahaan Spain, maadaama ay dammaanad qaadayso in koox Isbaanish ahi ay gaadho wareega xiga.
“Tani waa arrin cajiib ah oo muhiim u ah Madrid, magaalada, in la helo ciyaar sidan oo kale ah oo u dhaxaysa Real Madrid iyo Atlético Madrid,” ayuu yiri Simeone. “Sidoo kale waa kulan muhiimad weyn u leh Spain, maadaama ay ka dhigan tahay in koox Isbaanish ahi ay gaadhi doonto wareega siddeeda, taasina waa wax aad u wanaagsan.”
“Wax kasta oo ay la imaadaan,diyaar ayaan u nahay,dhimasho ayaan ka xignaa guuldarro”
Atlético Madrid ayaa wajahaysa caqabado taariikhi ah marka ay la ciyaarayaan Real Madrid tartanka Champions League. Labada kooxood ayaa afar jeer isku arkay tartankan 11-kii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, waxaana mar walba guushu raacday Real Madrid, oo ku jirta guulihii kama dambeysta ahaa ee 2014 iyo 2016.
Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkan Atlético Madrid ayaa ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan, iyagoo ku jira kaalinta labaad ee La Liga, waxey laba dhibcood ka sarreeyaan Real Madrid. Simeone ayaa muujiyey rajo, isagoo sheegay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay la tacaasho caqabad kasta oo soo wajahda.
Weeraryahanka Julian Alvarez, oo kooxda kaga soo biiray Manchester City, ayaa noqday xiddig muhiim ah, isagoo dhaliyey 21 gool tartamada oo dhan. Simeone ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la sii wado horumarka ciyaartoyda iyo taageerada kooxda iyo shaqaalaha tababarka.
Kulankan ayaa loo arkaa mid weyn oo muhiim ah, iyadoo labada kooxood iyo taageerayaashooduba ay rajeynayaan bandhig cajiib ah. Simeone ayaa muujiyey kalsooni ku aaddan diyaar garowga kooxdiisa, isagoo sheegay in Atlético Madrid ay diyaar u tahay wax walba oo imaada.