Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa weli sii haya hogaanka Man Utd, laakiin wararka ku saabsan wadahadalada uu Xavi la yeeshay maamulka kooxda ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida uu ku dambeyn karo mustaqbalka macalinka Duch-ka.
Madax sare oo ka socda kooxda Premier League ayaa la fahamsan yahay inay u duuleen Catalunya, iyagoo wadahadal la yeeshay tababarihii hore ee Barcelona.
Koox heer sare ah oo ka socday United ayaa ku sugnaa Barcelona maalmo ,si ay u dhameystiraan heshiis meel wanaagsan maraya oo au dhaxeeya Xavi iyo Man Utd.
Xavi ayaa haatan shaqo la,aan ah, isagoo soo gabagabeeyay waayihiisa kooxda La Liga dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore. Taas ayaa la macno ah in United ay heli karto 44 jirkan.
Xavi sharuudo ayuu wataa, waxaana kamid ah in loo dhiso kooxda, isagoo qorshestay saxiixyo gaar ah oo uu doonayo inay la shaqeeyaan.
Andre Onana waxa uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan United. Awoodiisa ayaa keeneysa xitaa inuu aamino tababare Xavi.
Mazraoui iyo Diogo Dalot ayaa sii heysan doona inay ka ciyaaraan daafaca bidix iyo midig, waa laba nin oo tamar leh oo uu ku kalsoonan karo Xavi.
Arujo oo muddo isha ay ku hayeen maamulka Man Utd ayaa qeyb ka noqon kara qorshaha difaaca Xavi, khadka dhaxe wuxuu kusoo dari karaa De Jong oo isna bartilmaameed u ahaa Utd xagaagii.
Labadaas saxiix ayaa fure u noqon doonaa isbedelka uu ku sameyn doono shaxda Man Utd tababaraha reer Spain ee Xavi oo bedeli kara Ten hag.