Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa sii wada inuu ku guuleysto quluubta taageereyaasha kooxdiisa Real Madrid, waxaana uu kalsooni badan iyo taageero ku helay ficil uu sameeyey intii ay socotay ciyaartii Copa del Rey ee xalay ay 3-1 ku garaaceen kooxda yar ee Arandina oo uu kursiga kaydka ku dhamaystay.
Jude Bellingham ayaa ahaa beddel aan la isticmaalin oo kursiga kaydka ay ku wada sheekaysanayeen Antonio Rudiger iyo Luka Modric oo ay is-ag fadhiyeen, halka Joselu, Brahim Diaz iyo Rodrygo Goes ay dhaliyeen goolasha guusha siiyey Los Blancos.
20 jirkan ayaase noqday hadal-haynta ugu weyn ee kaddib ciyaartii Real Madrid iyo Arandina, waxaana baraha bulshada qabsaday muuqaal ay duubeen kaamirooyinka garoonka, kuwaas oo soo bandhigay Jude Bellingham oo kursiga kaydka fadhiya oo usoo kacaya wiil yar oo kuwa kubadda soo qabqabta ah oo uu huwiyey go’ uu ka huwanaa dhaxanta daran ee ka dhacaysay Spain.
Bellingham ayaa arkay wiilka yar oo dhaxmoonaya oo hortiisa taagan, waxaana inta uu soo kacay uu go’iisii huwiyey goolkan. Go’a ayaa waxa ku taallay calaamadda Real Madrid maadaama ay kooxdu ugu talo-gashay inay ciyaartoydeedu ka huwadaan dhaxanta daran ee ka jirta Spain oo cimilladeedu xun tahay waqtigan.
Jude Bellingham oo 22 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid u dhaliyey 17 gool, isla markaana ku guuleystay abaal-marinta Golden Boy iyo sidoo kale Kopa Trophy ayaa muuqaalkiisa xalay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.
Halkan ka daawo muuqaalka
Jude Bellingham giving a ball-boy his blanket because he was cold. 🤍 pic.twitter.com/g1F8TuAUWN
— TC (@totalcristiano) January 6, 2024