Murugu ayaa hareysay Indonesia ka dib markii ciyaaryahan garoonka ku dhex jira ay biriq ama jac ku dhacday taasoo sababtay inuu u dhinto.
35 jirkaan oo ka soo jeeda gobolka Subang ayaa biriq ay ku dhacday isagoo ku ciyaaraya garoonka Wiliwangi Stadium ee gobolka West Java, taasoo keentay inay shook qaadaan ciyaartoyda iyo taageerayaasha garoonka ku sugnaa.
Dhacdadaan ayaa dhacday intii ay socotay kulan saaxiibtinimo oo u dhaxeeyay 2 FLO FC Bandung iyo FBI Subang.
Warbaahinta maxaliga ayaa shegay in ciyaaryahanka uu neefsanayay markii loola cararay cusbitaalka laakiin nasiibdarro wuu geeriyooday waqti yar ka dib.
Waa markii labaad sannad gudaheed ay biriq ku dhacdo ciyaaryahan Indonesia u dhashay. Ciyaaryahan da’ yar oo u ciyaara Bojonegoro ee gobolka East Java ayaa wadnaha istaagay ka dib markii ay biriq ku dhacday. Waxaa loola cararay cusbitaalka si loo daweeyo.
Nasiib wanaag wuxuu soo naaxay ka dib 20 daqiiqo oo lala tacaalayay.