Manchester United ayaa loogu baaqay inay si degdeg ah uga takhalusto Antony ka dib qaab ciyaareedkiisii niyad jabka lahaa ee kulankii guuldarada kooxdiisa ka soo gaartay Tottenham.
Antony ayaa ku soo bilowday ciyaarta, iyadoo United ay ka hartay Carabao Cup markii Spurs ay ku garaacday 4-3.
Weeraryahankii hore ee Premier League Troy Deeney ayaan la dhicin qaab ciyaareedka Antony, isagoo sheegay in Red Devils ay u baahan tahay inay xiriirka u jarto oo ay iska iibiso suuqa Janaayo.
Isla markii Manchester United ay ka saartay ciyaarta Antony, qof kasta oo kooxda kamid ah wuxuu bilaabay inuu ordo,” Deeney ayaa u sheegay CBS Sports.
“Waa inay jaraan oo ay ka takhlusaan isaga Man Utd, Ma doonayo in aan isaga ka dhigo qof xun, laakiin si daacad ah daawashadiisa waa mid niyad jab leh “ ayuu yiri Troy Deeney.
Hadalka Deneey wuxuu yimid xili caawa tababare Amorim uu wacad ku maray inuu Antony ka caawin doono sidii uu ku heli lahaa qaab ciyaareed sarre.