Real Madrid ayaa xiriir la samaysay daafaca midig ee Manchester United Diogo Dalot, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lagu qiimeeyaa in ka badan £40m. (Relevo – Spain)
U dhaqaaqista Dalot Real Madrid waxaa caqabad ku noqon kara kooxda Barcelona, kuwaas oo rajeynaya in ay adeegsadaan agaasimaha ciyaaraha Deco oo ay isku dal yihiin (CaughtOffside)
Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa sidookale ka fiirsanaya inay dalab ka gudbiyaan weeraryahanka Marseille Mason Greenwood. (TBR Football)
Madaxa fulinta Man Utd Omar Berrada ayaa ka shaqeynaya keenista daafaca bidix ee AC Milan Theo Hernandez. (Sky Switzerland)
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysa in ay Chelsea u soo bandhigto fursad ay kula soo saxiixan karto weeraryahan Randal Kolo Muani, wuxuu qeyb ka nooqn karaa heshiiska iska dhaafsiga Nkunku ugu biiri karo kooxda Ligue 1 ka dhisan. (Fichajes – Spain).
Laacibka khadka dhexe ee Dinamo Zagreb Martin Baturina, oo la barbardhigo Luka Modric, wuxuu meesha ka saaray inuu mustaqbalka u dhaqaaqi doono Real Madrid. (MARCA)
Daafaca dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Cristian Romero ayaa mudnaan siin doona koox ciyaareysa Champions League, iyadoo Manchester City ay kula biireyso dagaalkiisa Real Madrid, Bayern Munich iyo Inter (TBR Football)
Liverpool ayaa diyaar la ah €80m si ay ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Athletic Club Oihan Sancet oo 24 jir ah. (Fichajes – Spain).
Chelsea ayaa kula biirtay Real Madrid tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Tijjani Reijnders. (Calciomercato – Italy)
Inter ayaa wada qorshe ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso Italy goolhayaha kooxda PSG ee Gianluigi Donnarumma iyo xiddiga khadka dhexe ee Al Arabi ee Marco Verratti (Fichajes – Spain).
Aston Villa, Newcastle United iyo West Ham United ayaa dhamaantood isha ku haya saxiixa daafaca dhexe ee AC Milan Fikayo Tomori, kaasoo aan ku jirin qorshaha tababare Paulo Fonseca. (Calciomercato.it – Italy)
Ka dib markii ay xiiso ka heleen ugu yaraan toban kooxood, Arsenal ayaa dejisay qiimo lacageed dhan 35 milyan ginni oo ay ku doonayso daafaca Jakub Kiwior. (Caughtoffside)