Muran ka dhashay falkii uu Cristiano Ronaldo ku sameeyay taageerayaashii isugu soo baxay garoon ku yaala Saudi Arabia kadib markii kooxdiisa Al Nassr ay 3-2 kaga badisay Al Shabab ayaa keentay in hay’adaha ay khusayso ay ka fikiraan in la ganaaxo.
Taageerayaasha Al Shabab ayaa ka careysiiyay Cristiano Ronaldo iyagoo muddo dheer ku heesayay magalada xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi, sidaasi darteed xiddiga reer Portugal ayaa qarxay, wuxuuna taageerayaasha hortooda ku sameeyay tilmaam anshax xumo ah.
Warbaahinta gudaha ee Asharq Al-Awsat, ayaa falanqeysay dhacdadan, kadib markii ay la tashadeen dhowr ilo oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Sacuudiga ee SAFF.
“Guddiga Anshaxa waxa uu bilaabay in uu furo baaritaan ku saabsan falkii anshax xumada ahaa ee uu xiddiga Al Nassr Cristiano Ronaldo ku sameeyay taageerayaasha Al-Shabaab hortooda, taas oo keentay in dad badan oo daawanayay iyo dadkii ka soo qeyb galay ay caro ka qaadeen” ayaa lagu yiri warbixinta warbaahinta.
🚨🚨| Cristiano Ronaldo is set to be INVESTIGATED for a gesture he made towards fans chanting for Lionel Messi.
[@MailSport] pic.twitter.com/2ZJd97Y6jr
— CentreGoals. (@centregoals) February 26, 2024
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada, guddiga anshaxu wuxuu si degdeg ah u daraaseyn doonaa muuqaalada laga duubay ciyaaryahanka, waxaana go’aanka la soo saari doonaa labada maalmood ee soo socda,” ayay majalada raacisay warbixinteeda..
Inkasta oo uu 22 gool ku hogaaminayo gooldhalinta horyaalka, isagoo seddex gool ka sareeya xiddiga ku soo xiga ee Aleksandar Mitrovic, hadana CR& waxa uu bartilmaameed u noqday in magaca Messi lagu dhibo mar kasta uu garoonka soo galo.