Cole Palmer ayaa Kylian Mbappe u magacaabay xiddiga ugu fiican adduunka xilli xiddiga reer France uu doonayo inuu ku guuleysto biladiisii ugu horeysay ee Ballon d’Or.
Mbappe ayaa ka tagay PSG xagaagii isagoo ku biiray Real Madrid. waxa uu ka mid yahay musharixiinta u tartameysa in la guddoonsiiyo abaal-marinta Ballon d’Or, iyadoo ku guuleystaha lagu dhawaaqi doono talaadada soosocta.
Xiddigaha rajeenaya inay guuleystaan abaalmarintaa waxaa ka mid ah xiddigaha England Jude Bellingham, Bukayo Saka, Phil Foden, Declan Rice iyo Palmer laftiisa.
Xiddiga Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii ugu horreeyay si qurux badan ugu riyaaqay Blues, ka hor inta uusan gool dhalin finalkii Euro 2024.
Waxa uu horay ugu guuleystay abaalmarinta da’yarka ugu wanaagsan England, taasoo lagu dhawaaqay bishii Septemner, isagoo markaas hadlayay, 22-sano jirkaan ayaa sheegay in waqtigiisa abaalmarinta Ballon d’Or wali uu dhiman yahay.
Palmer ayaa shabakada Goal weydisay waa kuma ciyaaryahanka aduunka ugu fiican. Markii hore, wuxuu yiri: “Vini Vinicius Junior ama Mbappe.” Kadib markii lagu celiyay inuu bixiyo jawaab sax ah, wuxuu yiri: “Mbappe.”
Palmer wuxuu iska indho tiray ciyaartooyda England ee ku tartamaya abaalmarintaan isagoo doortay Mbappe oo reer France ah.